Sahan Media Muqdisho: Kulamadii ka socdey Xayndaabka Xalane ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib seddex maalin oo dhinacyadu doodo adag lahaayeen.
Kulanka oo ay mucaaradka ku metelayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Saciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale ayaa ahaa kii ugu waqtiga yaraa, waxaana la sheegay in lagu kala tagay iyadoo aan heshiis iyo ballamo kale midna laga gaarin.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay u harsan tahay muddo sanad ah kuna adkaystay go’aankiisa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo uu dastuurka cusub siinayo.
Mucaaradka oo shaaciyey inuu maanta dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodey inaysan aqbali doonin doorashooyin hal dhinac ah, iyagoo miiska keenay doorashooyin kale oo dowladdu diiddey.
Golaha wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan inay ku fashilantay dhismaha heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo u baahan wada-tashi qaran iyo hannaan sharciyeysan oo lagu maareeyo kala guurka.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, isaga oo shaaca ka qaaday inuu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.


