Sahan Media Muqdisho: Iskaashiga dhanka difaaca ee u dhaxeeya Kenya iyo France ayaa bartamihii bishii March soo gaaray marxalad cusub markii saddex markab oo dagaal oo Faransiis ah iyo in ka badan 800 oo askari oo Faransiis ah ay ku soo xirteen dekedda Mombasa intii uu socday howlgalka diiradda lagu saarayay tababarka iyo iskaashiga amniga badda.
Dirista markabka Aconit iyo Dixmude, oo ah maraakiib weerar oo xoog badan ayaa ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo xiriirka difaaca ee labada wadan iyo in la sugo marinnada maraakiibta muhiimka ah ee Galbeedka Badweynta Hindiya. Gobolka waxaa ka jira khataro ay ka mid yihiin tahriibinta dadka, kalluumeysiga sharci darrada ah, argagixisada badda, iyo noocyada kale duwan ee tahriibinta iyo ka ganacsigeeda. Markab roondo ah ayaa sidoo kale ka qayb qaatay howlgalka.
Booqashada waxaa ka mid ahaa tababaro ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Difaaca Kenya, gaar ahaan kuwa badda ee qaabilsan ilaalinta xeebaha Kenya iyo kuwa Fransiiska. Gen. Charles Muriu Kahariri, Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, ayaa la guddoonsiiyay Legion of Honour, oo ah midda ugu sareysa uguna sharafta badan nidaamka qaran ee Faransiiska.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd hawlgal shan bilood ah oo Faransiisku ku ilaalinayey badweynta Hindiya iyo Baasifigga.
“Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaan ku hawlanayn howlgalka Midowga Yurub [European]ee Atalanta, taasoo qayb ka ah wax ka qabashada burcad-badeedda Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya,” Capt. Jocelyn Delrieu, oo ah taliyaha hawl-galka Faransiiska Jeanne d’Arc 2026, ayaa ku yiri warbixin uu qoray wargeyska The East African.
9kii Abriil, Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo lala galay Faransiiska. Heshiiska ayaa ujeedadiisu tahay in lagu wanaajiyo awoodda difaaca Kenya iyada oo loo marayo helitaanka tababarka Faransiiska, farsamada iyo khibradda amniga badda, isdhaafsiga sirta, hawlgallada nabad ilaalinta iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Xiriirka waddamadan waxa uu sii qoto dheeraan doonaa marka ay si wada jir ah u dhamaystiraan Shir-madaxeedka Hal-abuurka iyo Kobaca ee Afrika iyo Faransiiska, oo loo qorsheeyay 11 iyo 12ka May ee Nairobi, hadana ka socda Kenya oo galay maalintiisii labaad, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya ganacsato, dhalinyaro, fanaaniin, iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka, wadamada kale ee Afrika iyo qurba joogta qaasatan warbaahinta caanka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeedee Sahan Media.net iyo Sahan Consultancy oo lagu soo casumay shirka.
“Waxay noqon doontaa fursad lagu muujiyo sida ay uga go’an tahay Faransiiska, Kenya iyo dalalka kale ee Afrika sida ay u xoojin karaan maalgashiga labada dhinac, iyo in la dhiso lana maalgeliyo xalal la taaban karo oo ka gudba caqabadaha jira,” Arnaud Suquet, safiirka Faransiiska ee Kenya, ayaa ku yiri warbixin uu qoray wargeyska Kenya ee The Standard.


