Sahan Media Muqdisho: Xisbiga siyaasadeed ee Tigrayga ayaa ku dhawaaqay in uu dib ula wareegayo talada maamulka gobolka, isagoo si hufan u soo afjaray heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo gobolka waqooyi.
Ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa warkan ku shaaciyay bartiisa Facebook-ga, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in uu dib u soo cusboonaado colaada dhimashada badan dhalisay ee u dhaxaysay dawladda iyo ciidamada gobolka intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022.
Kooxda TPLF ayaa sheegtay in golahooda dhexe “ay go’aansadeen in dib loo soo celiyo golaha xukuumadda Tigrayga (baarlamaanka), kaas oo lagu laalay si nabad loo gaaro”.
Bayaanka ayaa lagu eedeeyay dowladda federaalka ah in ay jabisay heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo lagu soo afjaray dagaalka, iyo in ay colaad hubaysan ka dhex hurisay gobolka Tigray. Waxa ay sidoo kale ku eedeysay dowladda in ay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Getachew Reda, afhayeenkii hore ee xisbiga iyo lataliyaha ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu ka dhigan yahay “diidmo cad” qaab dhismeedka dagaalka ka dib ee uu sameeyay heshiiskii Pretoria.
Khilaafkan ayaa ka dhashay hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya kooxda TPLF oo ah xisbi kacdoon isu rogay oo siyaasadda Itoobiya ku soo jiray ku dhawaad 30 sano, iyo Abiy oo ra’iisul wasaare loo magacaabay 2018-kii ayaa soo afjartay awooddii TPLF.
Colaadda ayaa joogsatay dabayaaqadii 2022 iyadoo Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyay heshiiskii Pretoria, kaas oo ku baaqayay in la sameeyo maamul ku meel gaar ah oo bedelaya golayaasha Tigrayga ee la doortay ilaa laga soo abaabulo doorashooyin cusub.
Inkastoo horumar laga gaaray hirgelinta heshiiska, haddana waxaa soo wajahay culeys bilihii la soo dhaafay.
Bishii Janaayo, isku dhacyo ayaa ka dhacay Tigray, waxaana sidoo kale hal qof lagu dilay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gobolka waqooyi.
Gobolka Tigray ayaa sidoo kale la ildaran saamaynta dhaqaale dhimista madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u jaray wakaaladda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka sannadkii hore, taas oo mar ahayd isha ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo ee Itoobiya.
Ururada bini’aadantinimada ayaa sheegay in ilaa 80 boqolkiiba dadku ay u baahan yihiin taageero deg deg ah, dhaqaale yaraana ay culays ku tahay nidaamka caafimaadka.


