Sahan media Muqdisho: Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracàn ee Itoobiya, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin.
Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegatay in aysan suuragal ahayn qaadashada badda Soomaaliya, ama si kale hadaan u iraahdo heshiis beenaadka Itobiya iyo Somaliland.
“ Inta aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya wadan kale ma qaadanayo ayay tiri ”Ilhaan Cumar
Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan taageereynin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”
xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada oo wakiil u ah, waxaan leeyahay “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka warheysaa, sida aad idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.
Dhanka kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka adag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaaca qarannimada soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay, si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.”
Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya,iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda