Sahan media Muqdisho: Sadex askari oo Mareykan ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalana way ku dhaawacmeen markii weerar loo adeegsaday drone lagu beegsaday xero ay ku leeyihiin sohdinta Jordan iyo Suuriya halkaas oo ay joogitaan ku lahaayeen askartan.
.Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay isla markaana uga murugooday dilkii loo geystay saddexdan askari oo ku sugnaa xuduudka u dhexeeya Urdun iyo Suuriya.
Austin ayaa hadalkiisa ku soo beegay ka dib hadallo uu horay u jeediyay Madaxweyne Biden, isagoo ku eedeeyay kooxo taageero ka helaya Iran inay ka dambeeyeen weerarkaas, isagoo ballanqaaday inay “ka jawaabi doonaan xilli iyo goob ay iyagu doortaan”.
“Waxaanu madaxweynaha isku raacnay in aanan marnaba u dulqaadan doonin weerarada ka dhanka ah ciidamadeena,” ayuu Austin ku yiri hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay.
Waxa uu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin kasta oo lagama maarmaan ah si aan u difaacno ciidamadeena, iyo danaha aan leenahay”.