Sahan Media Muqdisho: Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday go’aankeeda ah inay isaga baxday OPEC iyo OPEC + si ay diiradda u saarto “danteeda qaranka”.
Talaabadan oo dhaqan gali doonta jimcaha, ayaa ka tarjumeysa “Imaaraatka Carabta aragtidiisa istiraatijiyadeed ee fog iyo aragtidiisa dhaqaalaha iyo kobcinta tamarta”
Mudadii aanu ururka ku jirnay waxa aanu samaynay wax-qabad muuqda “Si kastaba ha ahaatee waxa la gaaray wakhtigii aanu dedaalkayaga ku mashquulin lahayn waxa danta qaranku ina farayso”.
ka bixista Imaaraatka oo muddo dheer xubin ka ahaa OPEC, waxay abuuri kartaa khalkhal ama wiiqi kartaa ururkan shidaalka ee OPEC, kaasoo inta badan doonayay inay muujiso waji midaysan, in kasta oo ay jiraan khilaafyo gudaha ah oo ku saabsan kootada wax soosaarka.
Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed al-Mazrouei ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo eegay xeeladaha tamarta gobolka. Mar wax laga weydiiyay in Imaaraadka uu kala tashaday OPEC-da Sacuudiga ee miisaanka culus leh, waxa uu sheegay in Imaaraadku uusan arrinka la soo hadal qaadin dal kale.
“Tani waa go’aan siyaasadeed, waxaa la sameeyay ka dib markii si taxadar leh loo eegay siyaasadaha hadda iyo mustaqbalka ee la xiriira heerka wax soo saarka,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.


