Sahan Media Muqdisho: Hogaamiyaha militariga Mali Asimi Goita ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii ballaarnaa ee Axaddii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, isagoo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay dagaallada.
Goita ayaa sheegay inay socdaan hawlgalo lagu sugayo amaanka, wuxuuna shalay kulamo la yeeshay wafdi ka socda Ruushka oo uu hogaaminayo safiirka dalkaasi u fadhiya Igor Gromyko.
Ruushka oo taageero militari siiya xukuumada Militariga Mali ayaa sheegay inay gacan kasiinayaan dowladaasi sidii amaanka loo sugi lahaa.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa lagu sheegay inay ciidamadooda oo gacan siinaya kuwa Mali ay ka hortageen afgembigii ay damacsanaayeen kooxaha weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale, hogaamiyaha kooxda Al-Qacida ee dalkaasi ayaa sheegay in go’adoon ay geliyeen gebi ahaan magaalada Caasimadda ah ee Bamako, wuxuuna digniin u diray shacabka, isagoo sheegay inay si nabad ah uga bixi karaan magaalada, hase yeeshee aan la ogolaan doonin in lasoo galo magaalada.
Xiisada ayaa weli taagan iyadoo kooxaha weerarka soo qaaday ee Al-Qacida iyo Fallaagadda Tuareg ay weerarkoodii Axaddii ku khaarajiyeen Wasiirkii Difaaca ee Mali,


