Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya waxay dhawaan galaysaa marxalad xasaasi ah oo ku saabsan dhamaystirka muddada dowladda hadda jirta. xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eg 15/05/2026, waxaadna mooddaa in la joogo waqtigii la isla meel dhigi lahaa wadadii doorashada, wada-xaajoodyada qaran iyo xasiloonida siyaasadeed.
Mucaaradku waxay rabaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, in la ilaaliyo dastuurka lana dhamaystiro heyadaha doorashada iyo in la helo wadashaqayn daahfuran oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha u caddeeyeen in uusan muddo kororsi samaynin, islamarkaana uu ixtiraamo waqtiga dastuuriga ah ee xilkiisu ku eg yahay 12/05/2026.
-Maxay rabtaa dowladda?
-Muxuuse yahay xalka ugu haboon ee looga bixi karo ismarinwaaga siyaasadeed?



