Google search engine
HomeWararka MaantaImisa xilibaan ayaa ku matali doonta Soomaliya ururka East African Community?

Imisa xilibaan ayaa ku matali doonta Soomaliya ururka East African Community?

By: Abdirahmaan abukar: Tirada xubnaha baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee la soo doorto ayaa kordhi doonta ka dib markii ururka ay ku soo biirtay Soomaaliya.

Ka dib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliye dhanka sharciga.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelanaysa in ay ka qeyb gasho dhammaan holwaha ururka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay si rasmi ah ugu biirtay ururka.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliay u qaabilsan arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa, (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dhawaan la soo xuli doono xubnaha baarlamaanka Bariga Afrika ku matli doona Soomaaliya.

Mr Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya ay sagaal xubnood ku yeelan doonto baarlamaanka Bariga Afrika si la mid ah dalalka kale.

“Waddan walba wuxuu leeyahay 9 xubnood oo matalaya xagga baarlamaanka bariga Afrika waddanka ama ha ahaado 100 milyan ama 3 milyan waa isku wada mid wadan walba 9 ayaa laga rabaa,” ayuu yiri Hadliye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments