By: Amiin Ahmed: Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen Qurbo joog, Siyaasiin, Odoyaal dhaqan, Culumaa’udiin, Haweenka iyo dhalinyarada ayaa lagu ansixiyey dastuurka golaha deegaanka gobolka banaadir.
Wax garadkii ka hadlay goobtaas waxa ay culeyska saarayeen sida ay muhiim u tahay in gobolka uu yeesho dastuur u gaar ah kaasoo indhaweydba aan maqleynay hadal heyntiisa.
Qurbo joogta oo kaalin xoog leh ka qaadaneysay qabsoomida shirkan ayaa waxaa ku matalayay Xeydar Shiine oo ka hadlay ujeedada Qurbo joogta ee shirkan uga aadan, wuxuuna ballan qaaday in qurbo joogta kaalinteeda ka qaadan doonto.
Dowlada ayaa ku dhawaaqday goor hore in gobolka Banaadir uu yeelan doono gole deegaan. Beesha mudulood oo ka jawaabeysay baaqaas ayaa waxa ay sameeysay dastuurkii golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Waxaana la rajeynaayaa in bilaha soo socda la qabto doorashada golaha deegaanka gobolka banaadir.