HomeWararka MaantaIsu socodkii gaadiidka ee laamiga isku xira gobollada Bari iyo Karkaar oo...

Isu socodkii gaadiidka ee laamiga isku xira gobollada Bari iyo Karkaar oo xirmay

Sahan Media Muqdisho: Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan khataraha ka dhasha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo ay da’ayaan roobabka Gu’ga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen.

Biyaha ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaamo ka tirsan gobollada Sanaag, Bari iyo Haylaan, kuwaas oo ugu dambeyn ku soo qulqulay togga Ceel-daahir, iyagoo waxyeelada ugu weyn gaarsiiyey laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah xilli ay ka soo shiraacdeen dekedda Boosaaso.

Digniinta ayaa ku soo beegantay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan, kuwaas oo sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir uu mar kale qaaday gaadiid waaweyn, kaddib markii habeenkii hore laga soo badbaadiyey darawallo ay biyuhu la tageen. Sidoo kale, daad ka soo rogmaday Togga Buraan ayaa qaaday gaadiid kale, iyadoo dadka safarka ah ay codsanayaan gurmad degdeg ah.

Daadadka ayaa sidoo kale la sheegay inay kala xireen jidka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, taas oo hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee waddada laamiga.

Booliiska Puntland ayaa shacabka ku boorriyey inay ka fogaadaan isku dayga ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha ciidamada ku sugan waddooyinka si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha roobabka iyo daadadka.

Ceel-daahir ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay saameeyaan daadadka ka dhasha roobabka ka da’a buuraha iyo deegaannada ku dhow, waxaana marar badan ka dhacay hakadyo gaadiid iyo khasaare la xiriira fatahaadaha xilliyada roobka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments