Sahan Media Muqdisho: Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado ama sii hurin karta xasillooni darrada dalka.
Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay wada-hadal iyo iskaashi si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka taagan dalka.
“Mareykanka wuxuu ku boorinayaa dhammaan daneeyayaasha inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falalka sii hurinaya rabshadaha ama xasillooni darrada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Safaaraddu waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay dhammaan dhinacyada inay ka go’naadaan wadahadal iyo wada-shaqeyn, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya.
Dhanka kale War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobey, dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka iyo jadwalka doorashooyinka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

Saxiixayaasha war-saxaafadeedka ayaa ku boorriyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kororka xiisadaha siyaasadeed iyo amni.
Dhanka kalena, Beesha caalamka ayaa caddeysay inay diyaar u tahay inay fududeyso ama dhexdhexaadiso wada-hadallada Soomaalida haddii loo baahdo, si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.


