Sahan media Muqdisho: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaysa in Itoobiya ka baxday is-afgaradkii dhinaca badda ee Somaliland.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay been abuur tahay warqadda ku faaftay baraha bulshada ee sheegaysa in Itoobiya baabi’isay is af-garadkaasi.
“Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in keliya wararka iyo go’aannada rasmiga ah ee dowladda Itoobiya lagala socon karo bogga xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy.