Google search engine
HomeWararka MaantaKamil Idris oo loo dhaariyay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Suudaan

Kamil Idris oo loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Suudaan

Sahan Media Muqdisho: Kamil Idiris ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan, iyadoo uu goob joog ka ahaa Abdel Fattah al-Burhan, madaxa Golaha Qaranimada.

19-kii Maajo, al-Burhaan wuxuu soo saaray wareegto dastuuri ah, isagoo Idiris u magacaabay ra’iisul wasaare.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Sudan ee SUNA, Idiris ayaa lagu hordhaariyay al-Burhaan hortiisa, waxaana ku wehliyey xoghayaha guud ee golaha qaranka G/sare Maxamed Al-Ghali Cali Yuusuf iyo madaxa garsoorka ee gobolka badda cas oo wakiil ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare.

Idiris waa siyaasi haysta shahaadada PhD ee sharciga caalamiga ah oo uu ka qaatay machadka Graduate Institute of International Studies ee jaamacadda Geneva ee dalka Switzerland. Waxa uu sidoo kale ahaa musharax madaxweyne doorashadii 2010.

Burhaan ayaa soo dhisay dowlad ku meel gaar ah bishii Abriil 2019, kadib afgambi militari oo xilka looga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir. Golaha ku meel gaadhka ah ee madax banaanida ayaa xilka kala wareegay dawlada bishii Agoosto ee sanadkaas, golaha sarena waxa uu la wareegay bishii November 2021.

Laga soo bilaabo Abriil 15, 2023, Kooxda Gargaarka Degdegga ah (RSF) ayaa dagaal ku qaaday ciidamada xoogga dalka Suudaan, taasoo sababtay dhimashada kumanaan qof iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa la dilay, iyadoo 15 milyan oo kale ay barokaceen, sida laga soo xigtay UN iyo maamulada maxalliga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments