Sahan media Muqdisho: Ugu yaraan afar oday ayaa lagu soo waramayaa in kooxaha hubaysan ee Fano ay toogasho ku dileen waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah Arbacadii.
Xafiiska gobolka Axmaarada ayaa sheegay in dadka rayidka ah la laayay “iyaga oo looga shakisan yahay in ay xubno ka yihiin golaha nabada ee gobolka ee dhawaan la dhisay,” ayaa lagu yiri warbixinta Addis Standard.
Maamulka Axmaarada ayaa soo bandhigay afarta qof ee la dilay balse waxa ay soo jeediyeen in khasaaraha uu intaasi ka badan karo. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 11 qof laga yaabo in ay dhinteen, balse tiradan wali si rasmi ah looma xaqiijin.
13 kale oo ka mid ah odayaasha deegaanka, oo lala qabtay kuwii la dilay, ayaa weli ku jira gacanta kooxaha hubaysan ee Fano, waxaana lagu soo waramayaa inay la kulmaan “ciqaab ka baxsan bini’aadantinimada iyo jirdil,” sida lagu sheegay bayaanka.
Dadka la dilay oo ay ku jiraan Culimaa’udiin iyo Haween ayaa la qabtay xilli ay ka ambabaxeen xarunta gobolka ee Bahir Dar, kuna sii jeedeen tuulada Gerchicha oo ay ku sugan yihiin kooxda hubeysan.
Ka dib markii la dhisay golaha nabadda ee gobolka bishii hore, waxaa la sameeyay dhowr guddi nabadeed oo deegaanka ah si ay u wadahadlaan dowladda iyo kooxaha hubaysan ee Fano.
Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay odayaasha oo lagu qasbay in ay jilba joogsadaan, iyadoo qoraallo ay ku muujinayaan in ay xubno ka yihiin golaha nabadda.
Maleeshiyada Fano oo inta badan ka hawlgasha waqooyiga gobolka Axmaarada ayaa wajahaya caqabado waawayn, gaar ahaan ka dib markii uu isdhiibay mid kamid ah hogaamiyayaashooda ugu saamaynta badnaa oo lagu magacaabo Assegid Mekonnen.