Google search engine
HomeWararka MaantaDowladda Suudaan oo soo Dhaweeysay Hindisaha Maraykanka ee Joojinta Dagaalka

Dowladda Suudaan oo soo Dhaweeysay Hindisaha Maraykanka ee Joojinta Dagaalka

Sahan media Muqdisho: Xoogagga siyaasadda iyo kuwa rayidka ee Suudaan ayaa soo dhaweeyay Arbacadii hindisaha cusub ee Mareykanka uu ku casuumay ciidammada Suudaan iyo xoogagga Taageerada degdegga ah (RSF) si ay uga qaybgalaan wadahadallada xabbad-joojinta ee soo socota 14-ka Agoosto.

Ciidamada ayaa tallaabadan u arkay mid sii kordhineysa dadaalka uu maamulka Mareykanka ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Suudaan, balse waxa ay sheegeen in guushooda ay ku xiran tahay cadaadiska ay Washington saarayso dhinacyada is haya.
Hogaamiyaha RSF Mohammed Hamdan “Hemedti” Dagalo ayaa sheegay subaxnimadii Arbacada in kooxdiisa ay ka qayb qaadan doonaan wadahadalada.

“Waan soo dhawaynayaa martiqaadka uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, waxaanan caddaynayaa ka qaybgalka wadahadallada xabbad-joojinta ee soo socda ee Agoosto 14, 2024, ee Switzerland,” Hemedti ayaa ku qoray X.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee Suudaan oo ku saabsan martiqaadkan.
Hemedti wuxuu yiri, “Waxaan ka mahadcelinayaa dadaalka ay bixiyeen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, iyo Switzerland ee abaabulka wadahadalladan muhiimka ah.”

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan beesha caalamka la wadaagaynaa yoolka ah in la gaaro xabbad-joojin dhammaystiran oo dalka oo dhan ah, fududaynta gargaarka bini’aadantinimo ee dhammaan dadka u baahan, iyo in la sameeyo hab kormeer oo adag si loo xaqiijiyo hirgelinta heshiis kasta oo la gaaro.”

Majaladda Foreign Policy ayaa hore u soo xigtay shan mas’uul oo hadda jooga iyo kuwo hore oo arrintan la socda inay xaqiijinayaan in maamulka Biden uu bilaabayo hindise cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Suudaan—oo ah mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badan adduunka.
Wadahadallada waxaa hogaaminaya Blinken iyo Linda Thomas-Greenfield oo ah safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Waxaana si wada jir ah u martigelin doona Sucuudiga iyo Switzerland.

Sida laga soo xigtay Blinken, wadahadaladu kama hadli doonaan “arrimaha siyaasadeed ee ballaaran.” Waxa uu sheegay in ay higsanayaan “in la gaaro joojinta rabshadaha dalka oo dhan, in la xaqiijiyo helitaanka bini’aadantinimo ee dhammaan kuwa u baahan, iyo in la sameeyo hab kormeer iyo hubin adag oo lagu kormeerayo hirgelinta heshiis kasta.”
Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa ku sugnaa Switzerland intii u dhaxaysay 10-kii ilaa 20-kii Luulyo wadahadal ay Qaramada Midoobay hormuud ka ahayd oo looga gol lahaa in lagu dhexdhexaadiyo suurtagalnimada xabbad-joojin maxalli ah si loo fududeeyo gargaarka loona ilaaliyo rayidka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments