Sahan media Muqdisho: Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar H E Lolwah bint Rashid Al Khater, ayaa shalay ku kulmay magaalada Doha ee Qatar.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka socda, iyadoo sidoo kale lagu lafa guray qodobbadii ka soo baxay shirkii qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Dooxa ee ku aaddan ka faa’ideysiga awoodda Soomaalida qurbaha ku nool si loo helo barwaaqo iyo soo nooleynta Soomaaliya.