HomeWararka MaantaLaba gabdhood ayaa ku dhintay isku day ay uga talaabeen badda...

Laba gabdhood ayaa ku dhintay isku day ay uga talaabeen badda u dhaxaysa Faransiiska iyo UK

Sahan Media Muqdisho: Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in labo haween ah oo loo maleynayo in ay ka soo jeedaan dalalka Somalia iyo Sudan ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay ka tahriibaan Faransiiska iyagoo ku sii jeeda Boqortooyada Ingiriiska.

Haweenkan oo da’dooda lagu qiyaasay 20-sano ayaa la socday dooni ay saarnaayeen 82 qof, sida uu warbaahinta u sheegay Christophe Marx oo ah sarkaal ka tirsan maamulka gobolka.

Doontu waxay u dhaqaaqday dhanka badda intii lagu jiray habeenkii sabtida ilaa Axada laakiin “matoorku ma bilaabmi doono” doontu waxay bilawday in ay sii socoto, ayuu yidhi Marx. 17 qof ayaa laga soo badbaadiyay badda waxaana la geeyay dekedda Boulogne-sur-Mer.

Doonta oo ay la socdeen 65 qof oo haray ayaa ugu dambeyntii ku caariday xeebta u dhow Neufchatel-Hardelot, oo qiyaastii 12km u jirta koonfurta Boulogne-sur-Mer, isaga oo intaa ku daray in dhibanayaasha laga helay “ meydkooda gudaha doonta”.

Waxaa la rumeysan yahay in ay u dhinteen hawo la’ aan, nasiib darro badanaa waxay ku dhacdaa doomaha qaybaha hoose halkaasoo dad badan ay galaan.

Haweenkan ayaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen dalka Afrika, isagoo sheegay inuu baaritaan ku socdo.

13 qof oo qaba dhaawacyo fudud iyo saddex dhaawacoodu halis yahay, oo ay ku jiraan dad gubtay, ayaa loo qaaday isbitaalka.

Dhimashadani waxay muujinaysaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan Britain iyo France oo la tacaalaya doomaha yar yar ee soo daabulaya muhaajiriinta iyo qaxootiga ee marinka English Channelka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments