Google search engine
HomeWararka DibaddaMarkab dagaal oo uu leeyahay Garmalka ayaa ku sigtay in uu soo...

Markab dagaal oo uu leeyahay Garmalka ayaa ku sigtay in uu soo rido diyaarad mareykan ah

Sahan media Muqdisho: Wargeyska Der Spiegel ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Jarmalka oo loo diray badda cas si ay isaga difaacaan weerarrada Xuutiyiinta ay ku dhowaadeen inay soo ridaan diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay horaantii toddobaadkan.

Warbixintu waxa ay sheegtay in markabka Hessen uu laba gantaal ku riday diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Maraykanka Reaper, ka dib markii la isku dayay in la ogaado oo lagu guul daraystay.

Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa xaqiijisay Isniintii in ay dhacday dhacdo ku lug leh markabka iyo diyaarad Drone ah oo ka timid waddan ay saaxiibo yihiin, laakiin ma aysan magacaabin dalka.

“Kiiska waxaa la xalliyay markii ay soo baxday in aysan ahayn diyaarad aan duuliye lahayn, afhayeenka wasaaradda Michael Stempfle ayaa sheegay hadalkan.

Markabka Jarmalku waxa uu aaggaas yimid usbuuca hore dhammaadkii iyada oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Yurub ee lagu ilaalinayo badda cas iyo gacanka cadmeed ee Xuutiyiinta weerrarada ay ku hayaan maraakiibta mara marinka muhiimka ah ee maraakiibta caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments