Google search engine
HomeWararka DibaddaMaxay tahay ujeedada ka danbeysa in Itoobiya ay markeeda bilowdo heshiisyo milatari?

Maxay tahay ujeedada ka danbeysa in Itoobiya ay markeeda bilowdo heshiisyo milatari?

Sahan media Muqdisho: Dowladaha Uganda iyo Itoobiya ayaa galay heshiish is afgarad oo lagu xoojinaayo xidhiidhka ciidan iyo iskaashi ee labada dal. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday wafdi ka socda gaashaandhigga dalka Uganda iyo dawladda Itoobiya, xilli wafdigaasi ay booqasho ku gateen Addis Ababa.

Wafdi ayaa ka koobnaa Wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, Vincent Bamulangaki Ssempijja, iyo Taliyaha Ciidamada Ugaanda, Sareeye Guuto Wilson Mbasu Mbadi, waxaana wafdiga soodhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Abraham Belay iyo Taliye xigeenka Ciidamada Difaaca Itoobiya Generaal Abebaw Taddese.

Labada Wasiir ee Gaashaandhig ayaa ayaa saxiixay heshiiska iyagoo taliyayaasha ciidamada ee labada dal ay qalinka ku duugeen qorshaha hirgelinta heshiiska iyo meelaha ay tahay in ay ka wada shaqeeyaan labada dal ee la xidhiidha arrimaha ciidamada.

sidoo kale Kenya iyo Ethiopia ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhigaya sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan, gaar ahaanna, ganacsiga, isku socodka dadka iyo xoojinta nabad galyada qaaradda iyo guud ahaan midda gobolka.

Heshiiska ayaa imaanaya xilli shalay uu magaalada Nairobi tagay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, kaasi oo ka qaybgali doona shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Nairobi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments