Sahan media Muqdisho: Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay isku dayday in ay carqaladeyso wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ee ka qeyb galayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
“Ficilladan waa kuwo ka horimaanaya dhammaan hab maamuuska diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, iyo dhaqammada Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay ficilka Ethiopia, iyadoo dhinaca kale loogu baaqday Midowga Afrika in ay baaraan sida arrintan ay ku dhacday.
Waxaa uu madaxweynaha u sheegay wariyeyaasha in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay diidaan in uu galo hall-ka shirku ka socdo, balse markii dambe loo oggolaaday.
Mar uu ka hadlayay muranka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia ayuu Madaxweynaha yiri “waxaan ka xumahay in Itoobiya ay isku daydo in ay qiil u samayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland, oo ay doonayso inay dhul kaga qaadato Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftidii la socday ayaa soo gaabiyay safarkii ay ku tageen Ethiopia waxayna dib ugu soo noqdeen magaalada Muqdisho.