Sahan media Muqdisho: Serie A-da Talyaaniga ayaa Jimcihii ku dhawaaqay ku guuleystayaasha abaalmarinta ciyaaryahankii iyo tababarihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii 2023-24.
Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Argentine Lautaro Martinez ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii guud ahaan ugu fiicnaa, halka saaxiibkiis, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Turkiga Hakan Calhanoglu loo magacaabay khadka dhexe ee ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii 2023-24.
Alessandro Bastoni, oo sidoo kale ka tirsan Inter, ayaa loo magacaabay daafaca ugu fiican, halka Simone Inzaghi, oo ah maamulaha Inter, oo horey u xaqiijistay horyaalkoodii 20-aad ee Seria A toddobaadyo ka hor, uu ku guuleystay macalinkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka.
Weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu fiicnaa, Joshua Zirkzee oo Bologna ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 23 jir, halka goolhayaha Monza Michele Di Gregorio uu ku guuleystay goolhayihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.