Google search engine
HomeWararka Maanta20 kun oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaannadii 8aad iyo...

20 kun oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaannadii 8aad iyo 12aad ee Puntland

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Sicidiid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u furey imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad ee dugsiyada Puntland, sanad dugsiyeedka 2023/2024.

Ardey ka badan 20 kun oo ardey ayaa hal mar u fariistey Imtixaanka dhamaan degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha oo uu furitaanka Imtixaanka uu ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay sannadka mudnaan gaar ah siinayso ardayda kaalimaha hore ka gala imtixaanka, iyadoo abaal-marin iyo dhiirri-gelin loo sameyn doono.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mid kamid ahaa madaxdii qaybinayay imtixaanka fasalada 12aad ee dugsiga sare waxuuna u rajeeyey guul.

Sanadihii u danbeeyey imtixaanada shahaadiga ah ee Puntland ayaa isku mar ka dhacaayey dhammaan deegaannada iyada oo ardeydu gelayaan imtixaan isku mid ah, kadib markii la mideeyey manaahijta iskoolada Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments