Sahan media Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey ee hadda aan helayno ayaa sheegaya in Wariye Jamal Cisman uu weli ku jiro gacanta hay’adaha Nabad Sugida Puntland.
Jamal ayaa su’aalo lagu waydiiyay xarunta Nabad Sugida, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in hay’adaha Dowladda ay gorsheynayaan in dib loogu celiyo halka markiisii hore uu ka soo duulay.
Sarkaal magaciisa diidey in la shaaciyo ayaa sheegey in Jamaal Osman uu ku sii jeeday buuraha gobolada Sanaag iyo Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.
Jamaal waa shaqaale ka tirsan shaqaalaha TV-ga Channel 5. Waxaa lagu yaqaannaaayaa inuu soo saaro barnaamijyo ku saabsan kooxda Al Shabaab, isagoo barnaamijkiisii ugu dambeeyey diiradda ku saaray degaannada ay kooxdu ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.