Sahan media Muqdisho: Abdinasir Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin la tuhunsan yahay inuu geystay falka lagu dilay Cabdinaasir oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka. Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigi uu Muqdisho ka deganaa.
Sida la sheegay marxuumka waxaa laga helay dhaawacyo u muuqda ceejo in lagu sameeyay jirkiisa.
Halkan ka aqriso warsaxaafadeedkii ciidanka booliska
Mugdisho, Shalay fidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala wadada general Da’uud gaar ahaan Xaafadda Ceelqalow.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray,ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada ula wadaagi doonaa.