Google search engine
HomeWararka MaantaMaxay tahay ujeeddada wafdiga Kenya?

Maxay tahay ujeeddada wafdiga Kenya?

Sahan media Muqdisho: waxaa maanta soo gaaray Muqdisho wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Kenya, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wafdigan oo xildhibaano ah ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow oo dhammaantood baarlamaanka Kenya ku metala Soomaalida ku dhaqan Kenya.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa xildhibaannada kusoo dhaweeyay Muqdisho oo ay ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah.

Sida uu qorshuhu yahay xildhibaanada ka yimid Kenya ayaa la shiri doono madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Imaanshaha xildhibaanadan ayaa ku soo aaday, xilli muddooyinkii u danbeeyay uu sii xoogeysanayay xiriirka labada dal oo iska kaashaday amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Labada dowladood ayaa heshiis taabanaya ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha ku gaaray Nairobi oo ay dhowaan booqashooyin ku gaareen madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre oo labaduna uu qaabilay madaxweyne William Ruto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments