Google search engine
HomeWararka DibaddaBurkina Faso oo madaxda millatariga ay xukunka sii hayn doonaan muddo shan...

Burkina Faso oo madaxda millatariga ay xukunka sii hayn doonaan muddo shan sano

Sahan media Muqdisho: Saraakiisha millatari ee afganbiga kula wareegay awoodda waddanka Burkina Faso ayaa sii heyn doona xakunka shanta sano ee soo socota, go’aankaas ayaa ka soo baxay wadahadallo qaran oo looga tashanayay aayaha dalkaasi oo maalmahan socday.

Sida ku cad xeer cusub oo uu shalay saxiixay hogaamiyaha dalkaasi Ibrahim Traore, milatariga ayaa xakunka sii joogi doono muddo 60 bilood ah oo ka billaabmeysa 2-da bisha July.

Bayaanka kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in doorasho soo gaba gabeyn doonto dowladda ku meel gaarka ah la qaban doono ka hor inta aanan la gaarin waqtiga loogu kordhiyay kooxda afganbiga sameysay, waa haddii xaaladaha amni ay u saamaxaan bay yiraahdeen.

Millatariga ayaa awoodda dalkaasi dhaca Galbeedka Africa la wareegay talada, sannadki 2022-ki, kaddibna ballan qaaday in ay qaba doonaan doorasho bisha July ee sannadkaan si dalka loogu soo celiyo dowlad rayid ah, hase yeeshee sheegay in amniga ay siinayaan tixgilinta koowaad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments