Google search engine
HomeWararka MaantaMuxuu u xiran yahay Gaashaanle dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale)?

Muxuu u xiran yahay Gaashaanle dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale)?

Sahan media Muqdisho: Magaalada Hargaysa waxaa lagu xiray sarkaal sare oo ka tirsan booliska jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Cabdisalaan wuxuu dhawaan ka hadlay arrin ay Somaliland sheegtay inuu been yahay, laakinse uu isagu si aan qarsoodi lahayn uga sheekeeyey, kaasoo u muuqda in madaxdu ay dhibsadeen, kuna tilmaameen mid aan sal iyo raad lahayn.

Todobaadkan ayaa waxaa baraha bulshada aad u dhex wareegayey muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya sarkaalka oo ka sheekeynaya arrin uu sheegay in ay “qabsatay dhallinyaro ku shaqaysata tagaasida yaryar ee loo yaqaanno dukhaanka”.

Sida uu sheegay G/dhexe cabdisalaan, “nin dhallinyaradaas ka mid ah ayaa xaaskiisa geeyey isbitaal, waxaana loo sheegay inay u baahan tahay in dhiig lagu shubo”.

Wuxuu intaa ku daray “ninkaas wuxuu u yeertay dhallinyaro ay asxaab yihiin oo tagaasi ku shaqaysta si ay dhiig ugu shubaan, markii dhiiggooda la baarayna waxaa laga helay cudurka HIV/AIDS” ayuu yiri Cabdisalaan Caydiid Cumar oo xilliga uu hadalkaas jeedinayey la sheegay in uu la hadlayey dadweyne masjid gudihiis ku dhagaysanayey.

Hadalkiisa ayuu sii watay, cidna kama aysan shakinin maadaama uu yahay sarkaal sare oo ka hawlgala xarunta dhexe ee ciidanka Booliska ee Somaliland, horena taliye uga soo noqday dhowr saldhig oo uu ka mid yahay saldhigga Koodbuur ee Hargaysa.

dhacday in dhamaantood laga helo cudurka HIV/AIDS, waxayna sheegeen inay ka qaadeen dumar ajaanib ah” ayuu yiri.

Cabdisalaan Caydiid Cumar wuxuu ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM ee dagaalka hubaysan la gashay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments