Google search engine
HomeWararka MaantaPoland iyo Ukraine oo helay EURO 2024 tigidhadooda

Poland iyo Ukraine oo helay EURO 2024 tigidhadooda

Sahan media Muqdisho: Poland iyo Ukraine ayaa Talaadadii u soo baxay finalka UEFA EURO 2024, iyagoo noqday labadii xul ee ugu dambeeyay ee xaqiijistay booskooda.

Xulka Poland ayaa ka naxsaday Wales, iyagoo 5-4 kaga badiyay rigoorayaal ciyaar ka dhacday Cardiff.

Goolhayaha Poland Wojciech Szczesny ayaa Wales ka badbaadiyay rigoore shanaad oo uu u dhigay Daniel James si uu xulkiisa u gaarsiiyo xagaagan EURO ee Germany.

Xulka Poland oo uu hogaamiyo Robert Lewandowski ayaa la ciyaari doona xulalka Netherlands,Austria iyo France ciyaar ka tirsan tartanka EURO 2024 Group D oo ka mid ah guruubyada tartanka ku jira.

Roobabka ayaa dhanka kale 2-1 kaga badiyay Iceland ciyaar ka dhacday Wroclaw, Poland si ay u gaaraan finalka EURO 2024.

Albert Gudmundsson ayaa goolka furitaanka udhaliyay Iceland, laakiin Ukraine ayaa soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta kadib markii Viktor Tsyhankov iyo Mykhailo Mudryk ay kubbada dhex dhigeen Iceland.

Ukraine waxa ay Group E ku biirtay Belgium, Slovakia iyo Romania.

Horaantii Talaadadii, Georgia waxay heshay boos EURO 2024 ka dib markii ay 4-2 ku garaacday Greece rigoorayaal.

Georgia waxay la ciyaari doontaa Turkiga, Portugal iyo Czech Republic iyagoo ku jira Group F.

EURO 2024 ayaa ku bilaaban doonta ciyaarta Germany vs Scotland 14ka June garoonka Allianz Arena ee Munich

Kooxaha EURO 2024

Group A: Germany, Scotland, Hungary, Switzerland

Group B: Spain, Croatia, Italy, Albania

Group C: England, Denmark, Slovenia, Serbia

Group D: France, Austria, Netherlands, Poland

Group E: Belgium, Romania, Slovakia, Ukraine

Group F: Portugal, Turkiye, Czech Republic, Georgia

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments