Sahan media Muqdisho: Qalalaasaha siyaasadeed ee kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay wajahday ayaa gelaysa marxalad cusub, Ka dib markii ay dhammeeyeen shirweynihii 14aad. kooxda Debretsion waxay u muuqataa inay aad ugu dhiiran yihiin inay si cad u daba galaan inay dib ula wareegaan awoodda siyaasadeed ee Tigrayga.
Bayaan uu siiyay warfidiyeenka, Debretsion Khamiistii ayuu ku sheegay in Getachew Reda – oo hadda ah madaxweynaha maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigrayga – iyo saraakiisha kale ee hadda laga sifeeyay kooxda TPLF aysan awoodin inay xukunka qabtaan. Waxa uu si cad u sheegay in “TPLF” – oo uu ula jeeday kooxda uu hoggaamiyo – ay tahay in ay qaadato awoodda dawlad goboleedka.
Waxa uu ku dooday in kooxda TPLF ay haysato 50% oo lagu daray inta lagu guda jiro habaynta awooda maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigray taas oo ka baxsan heshiiskii Pretoria. Getachew iyo madaxdii kale ee hadda laga saaray xisbiga – sida laga soo xigtay kooxda Debretsion, ma sii hayn karaan awoodda ururka TPLF, ayuu ku dooday. Runtii Getachew wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda TPLF ilaa ay kooxda Debretsion ay todobaadkii hore xilka ka qaadeen kuna badaleen Amanuel Assefa. Shirweynihii 14aad ayaa lagu doortay 45 xubnood oo golaha dhexe ah iyo sagaal xubnood oo fulin ah.
Debretsion waxa kale oo uu ka hadlay, in TPLF ay u baahnaan doonto in ay la hadasho waxa uu ugu yeedhay shuraakada maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigrayga. Baahida loo qabo in lala hadlo dowladda Federaalka ayaa sidoo kale lagu xusay qoraalkiisa.
Dawlada dhexe iyo gudiga doorashooyinka qaranka Itoobiya ayaa qaba aragti ah in shirwaynihii 14aad ee TPLF uu sharci daro yahay.
Dhinaca KDQ, waxay hore u cadeeyeen in aanay aqbali doonin go’aammo ka soo baxa wax ay TPLF ugu yeertay shirweynaha 14-aad; taasoo ka dhigan in ay ku jirto in xilka laga xayuubiyo Getachew Reda.
Waxay ahayd wax yar ka hor shirweynaha markii Getachew Reda uu ku eedeeyay kooxda TPLF inay damacsan yihiin inay awood ku qabsadaan magaalada Mekelle.
Iyadoo kooxda Debretsion ay wadaan dhaq-dhaqaaq cad oo ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan, maamulka Getachew ayaa wacad ku maray inuu tallaabo qaadi doono. Xaaladdu waxay horseedaysaa xiisad waxaana laga yaabaa inay ku lug yeeshaan kooxda hubaysan. Waxaa muuqata in uu jiro dadaal lagu doonayo in lagu baajiyo kala qaybsanaantaas ka dhex jirta kooxda TPLF in ay saamayso ciidamada qalabka sida.
Kooxda TPLF ayaa qiratay in ay haysato in ka badan 270,000 oo dagaalyahano hubaysan ah, waxaana NEBE ay u diwaan gashatay xisbiga si sharci ah.
Dowlada Federaalka ayaan war rasmi ah kasoo saarin kadib markii kooxda TPLF ay dhamaysatay shirwaynihiisii.