Sahan media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkan ka cabatay in diyaaradda Ethiopian Airlines iyo FlyDubai ee fadhigeedu yahay Dubai ay ku xad-gudbeen madax-banaanida Itoobiya.
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay aqbashay dalabkii uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa inay wax ka bedesho qaabka lagu tilmaamay duullimaadyada.
Tallaabadan ayaa timid laba maalmood ka dib markii dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku hanjabtay inay mamnuucday duullimaadyada Ethiopian Airlines ee dalka.
Arrinku waxa uu la xiriiray habka ay shirkaduhu u adeegsadaan koorarka magacaynta magaalooyinka ay tagaan wadanka ay ku yaallaan sida Hargaysa Soomaaliya boosaaso Soomaaliya. Arbacadii, Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in diyaaradda Ethiopian Airlines ay tahay in ay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay “xadgudubka Qaranimada Soomaaliya” 48 saac gudahood.
Waa maxay isbeddelka ay Ethiopian Airlines ku samaysay in ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya meesha ka saarto? Shirkaddu waxay adeegsanaysay mareegaha ay ku leedahay Somaliland halka ay ku socoto oo ah Hargeysa iyada oo aan Soomaaliya lagu darin.