Sahan media Muqdisho: Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wax ay ku tilmaameen “wajigii koowaad” ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa’iil “iyadoo si buuxda loogu guuleystay.” sida ay kooxdu sheegtay.
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil saaka.
Bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto ee Lubnaan ayay ku sheegtay inay 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah.
“Waa wajigii lagu beegsan lahaa xeryaha Israa’iil iyo goobaha,” ayay kooxdu tiri – iyadoo intaas ku dartay inay dib ka soo saari doonto faahfaahin dheeraad ah.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqaynayaan bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib markii ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo gantaallo ah iyo sawaariiq la doonayey in lagu garaaco Israa’iil
Afhayeenka ciidanka difaaca Israa’iil ee IDF, Daniel Hagari, ayaa isagoo ka hadlayey duqaynta ay fuliyeen waxaa uu sheegay
“Ficil is-difaac ah oo meesha looga saarayo khatarahaas, IDF (Ciidanka Difaaca Israa’iil) waxay duqaynaysaa bartilmaameedyo argagixisanimo,”
Israa’iill ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee Lubnaan looga digay inay si deg deg ah uga baxaan goobaha ay ka howlgalaan kooxda Xisbullah oo ah koox ay Iran taageerto.
Gudaha Israa’iil gaar ahaan jihada waqooyi waxaa ka yeeray dhawaqa digniinta gantaallada subaxnimadii hore ee maanta oo Axadda.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha wasiirada ee amniga.
Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa saaka shiraya. Muddo toddobaadyo ah.
Xafiiska Mr Netanyahu ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant ay ka “maareynayeen xaaladda” saldhigga milatari ee IDF ee Tel Aviv.
Milateriga Israa’iil ayaa ka digay inay dhici karto inay dhacaan weeraro kale oo Xisbullah ah saacadaha soo socda iyo dhawaaqyada duqeymaha cirka ah ayaa laga maqlayay waqooyiga.
Maraykanka ayaa ka digay guuldarada joogtada ah ee lagu heshiinayo xabbad joojinta iyo heshiiska la haystayaasha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ay keeni karto in dadaalladaas diblomaasiyadeed ay fashilmaan