Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay bandhigga waxqabadka xukuumadda DanQaran oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan canshuurta dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii shacabka Soomaaliyeed farriin dhiirri galin ah u diray, wuxuuna ku boggaadiyay inay garab istaagaan dowladda, ayna bixiyaan canshuuraha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday canshuurta laga qaado kirada guryaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in markii hore ay kasoo xaroon jiray lacag 600,000 kun, balse ay haatan gaartay illaa hal milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay canshuurtii soo xarootay bishii July ee sanadkan, wuxuuna shaaciyay in wasaaradda maaliyadda ay soo xareysay bishaas hal milyan oo ah kirada guryaha.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay canshuurta cusub ee iibka ee bishan dhaqan gashay, wuxuuna sheegay in canshuurtan ay ka qayb qaadaneyso kobaca dhaqaalaha dalka.
“Canshuurta aan hadda isku haysanaa waa canshuur ku waajibtay koobkaas shaaxa ah iyo dhaladaas biyaha ah, haddii ganacsadaha jumlo wax kusoo iibsado canshuur lagama rabo laakiin halkii shay ee qofkii isticmaalayay ka gaday meeshaas waaye qofka ay canshuurta saaran tahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dameyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Laba gacmood oo lacag is dhaafsaday canshuur ayaa ku waajibeysa inta ay doonto iyo magaca ay doonto hala ahaado”.