Google search engine
HomeWararka DibaddaQareenada Kenya oo ka soo horjeestay in ciidan loo diro dowladda Haiti

Qareenada Kenya oo ka soo horjeestay in ciidan loo diro dowladda Haiti

Sahan media Muqdisho: Qorshaha Kenya ay ku doonayso in ay ugu dirto 1,000 askari oo boolis ah si ay u hogaamiyaan ciidamo caalami ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto oo ku sugan Haiti ayaa wajahaysa caqabad cusub oo dhanka sharciga ah iyadoo koox qareenno ah oo Kenyan ah ay dacwad u gudbiyeen maxkamada sare ee dalka Haiti.

Qareenka Ekuru Aukot ayaa u sheegay in go’aanka dowladda Kenya ay ciidamadeeda ugu daabuleyso Haiti uu jabinaayo dastuurka kadib markii ay ku guuldareysatay inay heshiis sax ah la gasho maamulka Haiti ee sharciga ah.

“Marka hore waa sharci darro, sababtoo ah booliiska qaranka lama geyn karo Haiti, ma jirto dowlad Haiti na waydiisatay codsi noocaas ah,” ayuu yiri Aukot, isagoo ku nuux-nuuxsaday shuruudaha dastuuriga ah ee heshiisyada noocan oo kale ah ka hor inta aan ciidammo dibadda loo saarin.

Qareenada (Ekuru Aukot iyo Miruru Waweru) ayaa ku doodaya in hadii aan la helin qaab sharci ah oo cad iyo heshiis rasmi ah oo lala galo maamulka Haiti, keenista ciidamada Kenya ay halis galin doonto badqabka ciidanka iyo shaqaalaha Kenya.

Caqabadan dhanka sharciga ah ayaa imaaneysa iyadoo Kenya ay wajaheyso cadaadis isa soo taraya oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa rabshadaha sii kordhaya iyo xasilooni darada siyaasadeed ee Haiti.

Maxkamada sare ayaa la filayaa inay dhageysato dacwada maalmaha soo socda.

Mareykanka ayaa 100 milyan oo dollar ugu yaboohay howlgalka ay Qaramada Midoobay hogaamineyso hadii uu ansixiyo Congress-ka, waxaana dhowr wadan oo kale oo ay ku jiraan Canada, Jamaica, iyo Senegal ay muujiyeen taageerada ay u hayaan hindisaha.

Haiti waxa ay la halgamaysay rabshado gaangis ah iyo xasillooni darro siyaasadeed muddo sanado ah. Xaalada ayaa ka sii dartay bilihii la soo dhaafay, afduub, dil, dhac hubeysan, iyo dambiyo kale oo rabshado wata ayaa noqday wax caadi ah.

Haiti ayaa ku baaqday kaalmo caalami ah si ay gacan uga geysato soo celinta nidaamka iyo amniga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments