Sahan Media Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Macallin Cali, oo si weyn loogu yaqaan Sacdiya Bajaaj, kaddib markii lagu helay dambiyo ay kusoo oogeen xeer-ilaaliyeyaasha dowladda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan), ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku qancday caddeymaha ay soo bandhigeen dacwad-oogeyaasha, islamarkaana ay go’aamisay in eedeymaha loo haystay Sacdiya ay yihiin kuwo la xaqiijiyay.
Sacdiya Bajaaj ayaa wajahaysay eedeymo la xiriiray kicin dadweyne iyo falal ay hay’adaha dacwad-oogistu sheegeen inay wax u dhimi karaan amniga guud ee dalka.
Qareenkeeda, Maxamed Sheekh Xalane, ayaa si adag u diiday xukunka maxkamadda, isaga oo sheegay in kooxda difaaca ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka.
“Maxkamaddu waxay ridday xukunkii ugu cuslaa ee qodobadan lagu qaadi karo, waxaana si rasmi ah uga qaadaneynaa racfaan,” ayuu qareenku u sheegay warbaahinta kadib markii xukunka lagu dhawaaqay.
Intii uu socday dacwadda, qareennada difaaca ayaa ku doodayay in aan la keenin caddeymo ku filan oo lagu taageerayo eedeymaha loo jeediyay Sacdiya, iyagoo ku adkeysanayay in dacwaddu aysan lahayn saldhig sharci oo lagu xukumi karo.
Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan baraha bulshada, halkaas oo taageerayaal iyo dad ka soo horjeeda ay si dhow ula socdeen marxaladihii kala duwanaa ee dacwadda muddada ay xiraneyd.
Go’aanka maxkamadda ayaa soo afjaraya dacwad si weyn loo hadal hayay, taas oo dood ka dhalisay arrimo la xiriira habraaca caddaaladda, xorriyadda hadalka iyo sida loo wajahayo kiisaska la xiriira dhaqdhaqaaqyada ka dhaca baraha bulshada.
Qareennada Sacdiya Bajaaj ayaa sheegay inay maalmaha soo socda u gudbin doonaan racfaan maxkamadaha sare ee dalka.


