Google search engine
HomeSportShan iyo soddon sano kadib C/aahi Jaamac oo guulo ciyaareed soo hoyiyay

Shan iyo soddon sano kadib C/aahi Jaamac oo guulo ciyaareed soo hoyiyay

Sahan media Muqdisho: Bishan Maarso waxaa magaalada Acra ee caasimadda dalka Ghana ka socday tartan caalami ah oo orodka, kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 dal oo ku yaal qaaradda Afrika.

Dalalka ayaa dirsanayey orodyahannadooda ugu dheereeya iyada oo dalalka Bariga Afrika oo orodka masaafada dheer caan ku ah ay dirsadeen dhowr ciyaartoy midkiiba marka laga reebo Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa uga qayb galay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo hore ugu guulaystay orodyo isla markaana kaalinta labaad ka galay orodka shanta kun ee mitir oo uu shalay ka qayb galay, isaga oo noqday orodyahanka kaliya ee Soomaaliya uga qayb galay tartanka.

Kaalinta kowaad ee masaafada 5000 waxaa Cabdullahi ka qaatay orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya ee Gebrhiwet Berhe, haseyeeshee Cabdullaahi wuxuu dhigay taariikh cusub kadib markii uu Soomaaliya u hantay billaddii ugu horaysay ee heerkan oo kale ah muddo 35 sano ah kadib.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments