Google search engine
HomeWararka MaantaMaxkamad ku taal Numbai oo amartay in xabsiga lagu sii hayo burcad...

Maxkamad ku taal Numbai oo amartay in xabsiga lagu sii hayo burcad Badeeda

Sahan media Muqdisho: Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka India ayaa ku xukuntay 35-qof oo burcadbadeed Soomaali ah oo ay ciidamada badda Hindiya gacanta ku dhigeen 10 maalmood oo xabsi ah Axaddii lasoo dhaafay.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya INS Kolkata ayaa gacanta ku dhigay burcadbadeedda kaddib howlgal socday 40-saacadood oo billowday 15-kii bishii Maarso.

Markabka dagaalka India ee INS Kolkata ayaa si guul ah u geestay oo ku qasbay dhammaan 35-ka burcadbadeedda ah in ay isa soo dhiibaan 16-kii March, taas oo xaqiijisay in 17-shaqaale ah laga soo daadgureeyay markabka burcad-badeedda, iyadoo aan wax dhaawac ahi dhicin, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada badda Hindiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments