Sahan media Muqdisho: Golaha wasiirada ayaa ku dhawaaqay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.
Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:
- Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
- Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
- Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
- Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
- Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
- Faysal Axmed Salaad – Safiir
- Abiib Muuse Faarax – Safiir
- Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
- Ilyaas Cali Xasan – Safiir
- Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
- Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
- Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
- Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
- Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud