Sahan media Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Akadeemiyada Diplomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Mesut Ozcan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee tababarka diblomaasiyadda iyo ballaarinta saldhigga aqooneed ee diblomaasiyiinta.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya kulanka kaddib ayaa lagu sheegay in sidoo kale looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya akadeemiyada Turkiga iyo Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, iyadoo ujeedadu tahay in sare loo qaado iskaashiga iyo sidii loo kobcin lahaa is-weydaarsiga khibradda leh iyo habka ugu habboon.
Wuxuu sheegay Fiqi inuu aad ugu mahadcelinayo Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
Ankara waxa ay tababartay in ka badan 80 diblumaasiyiin Soomaali ah 15-kii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriir saaxiibtinimo oo dhow yeeshay sanadkii 2011 ka dib markii Madaxweynaha Turkiga (Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas) Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku yimid dalka – hogaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqasho ku taga muddo 20 sano ah.
Turkiga ayaa Soomaaliya la leh xiriir taariikhi ah oo xooggan oo ku saleysan mabda’a ah “guuleysiga” xiriirka, oo ay ku jiraan in ka badan 150 mashruuc oo gargaar horumarineed ah oo ay fulisay Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-xirka Turkiga (TIKA) tan iyo 2011-kii.
Turkiga ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho ku leh safaaradda ugu weyn ee Afrika, waxaana ay halkaasi ka dhistay xaruntii ugu weyneyd ee ay ku tababari lahayd ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.