HomeWararka DibaddaSiciid Deni oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu falal amni darro ka...

Siciid Deni oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu falal amni darro ka abuurayo Puntland

Dahan Media Muqdisho: Xukuumadda Puntland ayaa ku eedeysay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo qorshayaal lagu abuurayo kooxo hubeysan iyo falal amni-darro ka samaynayadeegaannada xeebaha Puntland. Puntland waxay sheegtay in tallaabooyinkan looga gol leeyahay dano siyaasadeed iyo kuwo gaar ah oo lagu carqaladeynayo xasilloonida iyo horumarka ka jira Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kooxo burcad ah oo hubaysan ku abuuray xeebaha Puntland, taasi oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la wiiqo amniga Puntland, la carqaladeeyo marinada muhiimka ah ee badda, isla markaana la dhaawaco sumcadda iyo nidaamka maamul ee Puntland.

Puntland waxay sidoo kale ku doodday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wado dadaallo siyaasadeed oo lagu kala qaybinayo bulshada Puntland isla markaana lagu daciifinayo hay’adaha maamulka, si meesha looga saaro awoodda Puntland ku qaadacday qorshaha Villa Somalia.

“Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh wuxuu doonaya inu Kooxo hubaysan ku beero deegaanada Puntland gaar ahaan Xeebaha, wuxu sidoo kale ka shaqaynayaa sidii Puntland oo burburin lahaa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments