Google search engine
HomeWararka MaantaSoomaaliya oo heshiis dhinaca garsoorka ah la saxiixatay Qatar

Soomaaliya oo heshiis dhinaca garsoorka ah la saxiixatay Qatar

Sahan media Muqdisho: Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa heshiis iskaashi oo la xiriira dhanka sharciga la saxiixday dhiggiisa dalka Qatar Ibrahim bin Ali Al-Muhannadi.

Labada Mas’uul ayaa Kulan gaar ah yeeshay iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga garsoorka iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya iyo xoojinta hannaanka cadaaladeed ee dalka.

War qoraal oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in uu ka tarjumayo xiisaha labada dal ay u qabaan is dhaafsiga xogaha iyo khibradaha ku aadan diyaarinta hindise sharciyeedka iyo heshiisyada, yadoo ay u sii dheer tahay iskaashiga dhanka cilmi baarista sharciga iyo garsoorka.

Heshiiskan ayaa ka mid ah heshiisyo dhowr ah oo ay Soomaaliya dhawaan la gashay dalalka Caalamka oo ay ka mid tahay Qatar, heshiisyadan ayaa taabanaya dhanka Difaaca, Dhaqaalaha iyo Sharciga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments