Sahan media Muqdisho: warar hordhac ah oo ay Sahan media ka heleyso dalka Mareykanka ayaa sheegaya in maanta golaha ammaanku u ballansan yahay in uu ka fariisto dacwad ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay heshiis beenaadkii Itobiya iyo Soomaaliya.
dowladda Itobiya markii ay ogaatay in fadhigaasu dhacayo maanta ayay waxay dibadda soo dhigtay warqad ay hadda ka hor u dirtay Qaramada midoobay oo ay ku Andocooneyso in Soomaaliya ay wax ka ogtahay heshiis beenaadkaas., kuna caddeyneyso in muranka heshiiskan uu soo dhexgalay golaha nabadgalyada iyo Amniga ee Afrika.
waxay kaloo sheegtay in golahan uu soo saaray qoraal ay ku codsadeen in wadahadal lagu dhameeyo muranka heshiis beenaadkan, waxayna u xilsaareen guddi uu madax ka yahay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr Obasanjo.
sidaas daraadeed golaha ammaanka ee qaramada Midoobay uma baahna in uu soo faragaliyo waanwaantan socota.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowr jeer ka hadlay heshiis beenaadkan wuxuu yiri “dhulka Soomaaliya cid bixin karta ma jirto ee Soomaaliyey yaan lagu Kad soomin”.