Sahan media Muqdisho: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe uu u magacaabay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM).
Mr. Zenenga waxa uu bedelay Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay Ghana, taas oo uu Xog-hayaha Guud uga mahad-naqay hawlihii ay ka qabatay Soomaaliya.
Hadda waa ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Liibiya, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020, Mr. Zenenga wuxuu usii kordhiyay khibrad ballaaran oo ku aaddan taageerada hababka siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, maaraynta hawlgallada nabadda ee adag, la shaqaynta dawladda iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee colaadaha iyo goobaha colaadaha ka dib.