Google search engine
HomeWararka Maantawar murtiyeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya

war murtiyeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) soo saartay, kaas oo ay ku sheegtay in ay maxkamaddu awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso xasuuqa ay Israa’il ka gaysanayso Marinka Qasa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay go’aanka makamadda mid muhiim u ah in Israel lagula xisaabtamo dambiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Warmurtiyeedka ay soo saartay dowladda ayaa lagu yiri: “Soomaaliya waxay u taagan tahay fulinta tallaabooyin lagu ilaalinayo xuquuqda iyo fayo-qabka Falastiiniyiinta.”

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga fuliyo Qasa si looga hortago khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’il ay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka maxkamadda ICJ.”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments