Google search engine
HomeWararka MaantaTarekegn Bululta wax wayn miyuu sheegay?

Tarekegn Bululta wax wayn miyuu sheegay?

Sahan media Muqdisho: Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay qoraal lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter kaas oo uu soo daabacay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bululta oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelanno iskaashi dhaqaale iyo mid millatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Qoraalkan oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa waxaa isna qoraal kale ugasoo jawaabay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir maxamed Nuur isaga oo si kulul u cambaareeyay hadalka kasoo yeeray wasiir Bululta.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraalkaas uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethiopia waa riyo maalmeed. Ethiopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan”.

Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray.

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Tiwtter.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments