Sahan media Muqdisho: Ku dhawaad 80 wadan oo ka mid ah ilaa 100 waddan oo labadi maalin ee lasoo dhaafay shir caalami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa Axaddii shalay ku baaqay in “Midnimada dhuleed” ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka laba sano jirsaday ee uu Ruushka ka wado Ukraine.
Hase yeeshee shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 100 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa ku guuldareystay in qaar ka mid ah waddamadi muhiimka ahaa ee ka qeybgalay ay saxiixaan cayaanki ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka.
War-murtiyeedka ayaa lagu soo koobay mirihi kasoo baxay shirka labada maalin socday, kaas oo aanan lagu casuumin Ruushka, balse qaar badan oo ka mid ah hogaamiyaashi ka qeybgalay ayaa rajo ka muujiyay in suurtagalnimada in Ruushka uu ka qeybgalo geeddi socodka nabadda ee mustaqbalka labada dhinac.
Dalalki ka qeybgalay isla markaana saxiixay war-murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa, Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Japan, Polan, Turkey, Somalia, Kenya, Argentina iyo Ecuador.
Dalalka aanan saxiixin war-murtiyeedka shirki shalay lagu soo gaba gabeeyay dalka Switzerland ayaa waxaa ka mid ahaa India, Mexico, Saudi Arabia, South Africa, Thailand iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Brazil, oo goobjooge aheyd ma saxiixin, halka Shiinaha uusanba soo xaadirin..
Kremlin-ka ayaa Isniintii sheegtay in shir ay Switzerland martigelisay oo looga hadlayay dagaalka Ukraine ay ka soo baxeen natiijooyin aan la taaban karin, isla markaana ay muujinayaan wax aan waxba tarayn oo ah in la qabto wadahadal aysan ku jirin Ruushka.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa u sheegay warfidiyeenka in natiijadii ka soo baxday kulanku ay “ku dhow yihiin EBER.
Ruushku waxa uu weli u furan yahay wada hadal uu la yeesho dhammaan waddamada doonaya in ay qabtaan, waxana ay sii wadi doonaan in ay u gudbiyaan mowqifkooda dalalkan, ayuu yidhi Peskov.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa todobaadkii hore sheegay in Ruushku uu doonayo in uu joojiyo dagaalka, balse waxa uu shuruudo ku xidhay Ukraine – oo ka tanaasulaysa hamigeeda NATO iyo in ay ciidamadeeda kala baxdo afar gobol oo uu Ruushku sheeganayo – in Kyiv uu diiday taas oo la mid ah in la awoodo.