Google search engine
HomeWararka DibaddaTurkiga oo cambaareeyey weerarrada argagixisada ee Soomaaliya

Turkiga oo cambaareeyey weerarrada argagixisada ee Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Ceel-dheer,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa Sabtidii cambaareeyay weerar argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay deegaanka Ceel-dheer” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Wasaaraddu waxay u rajaysay in ilaahay u naxariisto intii ku dhimatay, waxay tacsi u dirtay qoysaskii ay ka baxeen iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo intii ku dhaawacantayna ay caafimaad degdeg ah u rajeysay.

“Turkiga waxa uu sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay weerarro argagixiso oo lagu qaaday afar saldhig oo ciidamada ay ku leeyihiin degmada Ceeldheer, ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments