Google search engine
HomeWararka MaantaColaadda Galmudug oo guddi Wasiiro ah loo magacaabay

Colaadda Galmudug oo guddi Wasiiro ah loo magacaabay

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u helista Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha wada dega inta u dhaxaysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Guddigaasi oo  ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amniga, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, Gargaarka iyo Warfaafinta.

Waxa hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug la faray in ay la shaqeyna xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta degaanada Caabudwaaq iyo Xeraal waqooyiga Gobolka Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments