Sahan media Somalia: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in baddeenna uu difaacayo Turkiga, taasi oo ka dhigan in ammaanka baddeena lagu wareejiyay Turkiga, oo leh awood ciidanoo xooggan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in heshiiska difaaca ee Turkiga uu soconayo illaa 10 sano, mudadaasna ay barbar soconeyso dhismaha ciidanka badda Soomaaliya.
Waxuu sheegay in heshiiska difaaca ee Turkiga aan marnaba lagu colaadinayn dowlad kale, balse uu Turkiga ku saacidayo Soomaaliya inay ilaashato baddeeda iyo kheyraadka ku jira.
“Waxkasta oo sharci darro ah, dhamaan inay nala ilaaliyaan waaye waxaan heshiiska kula galnay Turkiga ee ma ahan in aan dal kale oo saddexaad ku duulno ama la dirirno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas kusii daray “Waa heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale oo isla socda heshiiska uu maanta baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay waakas, waa xeyndaab heshiis oo waxaa kasii ratibmi doona heshiisyo badan.”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan jirin dal ka mudan Turkiga oo Soomaaliya la difaaci lahaa baddeeda, isagoo meesha ka saaray in ay duulaan ku yihiin dal kale, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
“Wuxuuna aakhirkiisa dhalayaa oo toban sano ka bacdi na gaarsiinaa in aan yeelano ciidan bad oo biyaheenna difaaci kara in aan yeelano, inta ka horeysana ay walaalaheen nala difaacan badda oo waxyaabaha sharci darrada ah inay nagala ilaaliyaan waaye.”
Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in uu rajeynayo in xukuumadda Abiy Axmed ay ka laaban doonto heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland ugu saxiixday qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.
“Maanta waxaa dagaal kale u galeyna in baddeena ka xoreyno kuwa argagixisada ah, ama sharci darrada ah ee ku xad-gudbaya kuwa Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah oo aan ku gudaneyno masuuliyadda caalamiga ah ee na saaran.”