Sahan media Muqdisho: Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka carooday heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Turkiga ee difaaca badda iyo dhaqaalaha.Muuse biixi waxa uu yiri “waannu fulinaynaa heshiiskii aan la saxiixannay dowladda Itobiya” tallaabada Xasan Sheekh waxba kama badalayso in aannu heshiiskaas fulinno.
“Xasan Sheekh waxaan leeyahay waxba idiin tari mayso in aad wacdaan dowladaha Masar iyo Turkiga,waxaan kaloo leeyahay shacbiga Soomaaliland waxba haka walwalina horay ayaannu u soconaynaa” sidaas ayuu yiri Muse Bihi.
Muse Bihi ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland uu ahaa tiirka dagaallada taariikhiga ahaa ee udhexeeyay Somaliland iyo Itobiya,waxaana la gaaray waqtigii la xoojin lahaa nabadda iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka.